Waxaa na buux dhaafiyay ereyada deeqsinimada leh ee ardadii qalin jabisay nooga soo fal celinayaan Waa ayna ku mahadsan yihiin .
Ardayad ka qalin jabisay Midnimo Health Science College Kana baratay Assistant Nursing
السلام عليكم ورحمه الله وبركاته وبعد……..
Waxan halkaan Mahadnaq uga jeedinayah Allah
Halkaan waxan kasalamayah dhaman Walidiintay iyo Hoyo iyo aabo …
Sidoo kale waxan halkaan Salan sharaf uga dirayah dhamaan Macalimintaydii isoo garsiiyey heerka aan manta joogo..
Midnimo health science college ….
Runtii Waxaad tihii isha noloshiyo ,ku,ifaysah adunka
Akhlaqdiyo wanagiyo,Waxaad tihid manfaca nolosha.
Aman kuma koobikaro,hadii aan qalinka mariyo
Macalimiin aqoonlihiyo,garaadda udhisay bulshadeenii somaliyed.
Ubuuxshay mankooh ,ku aflixiyey aqoon cafimad.
Shahaado bilo sharafiyo , Kusiiyey aqoon waxleh
Caqliga iyo manka kadherjiyey , Wannag
kubuuxshey Waano iyo tallin, kudhiiradey Tababar.
Macalin Nuur iyo Macadkii dheereh, allow cimri dher iyo Cafimad kudhoowr .
Kuliyad Buuxdiyo , Haqbtirin baahi Cafimad
Macalimiin heegan iyo ,Dadaal ugu jireh
Inay qalinka uqaada, nolol cusub iyo dhaqatiir.
Waligiin waligiin Jiroo oo Nooladda……………
CONGRATULATIONS MIDNIMO HEALTH SCIENCE COLLEGE
Mahadnaq.
Ustad nuur shaikh doon.
Ustad C/xakiin
Ustad C/Malik macalin
Ustad Madar Duran
Dhamantiin Waad mahadsentihiin💯💯
Ardayad ka qalin jabisay Midnimo Health Science College Kana baratay Assistant Nursing
Anigoo abwan gaarin
aqoon u lahayn manso
aftahan hadal yaqaan io
aan ahayn af miishaar
misna aabe labaadow
amaantaada waligay
ruux u irmaan ayaan ahay
Ruux lagu aflaxayow
ustaad io mocalimow
Alif alif lagu taagay
kii ii bilaabow
aflaxayga ruuxii
udubada u taagow
abaal aan ka gudi karin
kii ani i ag dhigayow
Guulahayga idilkooda
sabab ii u ahaadow
isagoo aan i dhalin
inantiisa kaan ahow
Eray kgu haboon adi
afkaygu ma waayo
waxad igu abuurtiyo
erayadiii dhiiranaa io
aqoontaa isiisaaa
Abid aan ilaawayn
anshaxa haboon io
asturnaan io diin io
edab io karti badan
intaasba kaa raaco
kalaam aan ash ahayn
adaan laagaga baranoo
Sidaan ii dhiirisaa
allaylahe cajiibo
amaradaa isiisaaa
guul aan ku abaaro
Abuurtayda mooyo
kartidayda adaa loo
Abaalkaaga ma gudee
ifka nolol qurxoon io
istareex ku noolow
aakhirana janadii
eebahay ku geeyo
maalinta la asturnene
xisaab lais ag maren
kuwuu carshiga alle geyay
adigu kamid noqo
Arday ka qalin jabisay Midnimo Health Science College Kana baratay Nursing
𝐌𝐚𝐜𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐡𝐨𝐰 𝐚𝐧𝐨𝐨 𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲
𝐖𝐚𝐜𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐨𝐨𝐛 𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝
𝐠𝐮𝐫𝐢 𝐜𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝𝐨𝐨
𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐢 𝐤𝐨𝐛 𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐫𝐭𝐚𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝
𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢 𝐣𝐚𝐜𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝
𝐛𝐮𝐮𝐠 𝐜𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝
𝐰𝐚𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢𝐬 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐤𝐨𝐨𝐛𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐝𝐞𝐞,
𝐜𝐚𝐚𝐛𝐮𝐝𝐰𝐚𝐚𝐪𝐨 𝐛𝐚𝐡𝐚𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐛𝐮𝐤𝐚𝐚𝐧
𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐱𝐚𝐥 𝐥𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚 𝐛𝐚𝐝 𝐧𝐚𝐲𝐝
𝐦𝐢𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐚 𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐧𝐨𝐨 𝐤𝐞𝐞𝐧𝐨𝐨
𝐧𝐚𝐛𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐥𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐱 𝐨𝐨 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐞𝐞𝐧𝐢𝐢
𝐛𝐮𝐤𝐭𝐚𝐧𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐲
𝐛𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐜𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐝𝐚𝐛𝐢𝐢𝐛𝐞𝐞𝐧 𝐛𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐤𝐚𝐥𝐞.
𝐌𝐝𝐢𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐡𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐬𝐜𝐢𝐞𝐧𝐜𝐞 𝐜𝐨𝐥𝐥𝐠𝐞 𝐰𝐚𝐚
𝐤𝐮 𝐜𝐨𝐥𝐥𝐞𝐠𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐜𝐮𝐥𝐮𝐮𝐦𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚
𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐝 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫
𝐦𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐥𝐞𝐡.
𝐇𝐨𝐫𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚𝐮𝐝𝐢𝐢 𝐚𝐧𝐢 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐮𝐫𝐨 𝐚𝐦𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐥𝐚 𝐭𝐚𝐜𝐚𝐚𝐥𝐨 𝐥𝐤𝐧 𝐚𝐥𝐥𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐚𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐢𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐨𝐨 𝐚𝐡 𝐠𝐨𝐨𝐛
𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐧𝐭𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐚𝐪𝐤𝐚𝐲𝐠𝐮 𝐤𝐮 𝐪𝐞𝐞𝐱𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐢𝐧 𝐦.𝐚 𝐚𝐥𝐥𝐨𝐰
𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐜𝐢𝐦𝐫𝐢 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐢🥰
Ardayad ka qalin jabisay Midnimo Health Science College Kana baratay Assistant Nursing
Barahaga mamus mamus o karameh milge iyo ku sor sharaf maran waa in uyahy bulshadaba u mudan yhy micnaheda so sar mamus qof lo dhigoh magadbadanah lo huroh aduun yada mugedanah qofna lala maslayn karin ma ogthy ardayow inu macalinkaa yahy ma ogtahy ardayow dadnimadaa taabahaaga nololed tirso io qofkaad tahy iyo taajka kugu xiran tacabka qofku hurey inuu ku tilmaame iyo tuse macalinkaa yahy ma ogtahy adunyada edebtiyo xishoodkiyo anshaxa iyo dulqaadkiyo ixtiraam qof nool iyo sida aad adigu tahay qofka kugu agaasimay macalinka inu yahay qalinkiyo buugiyo qiimahaa ku dhigan lahayd hadaan macalin ku qaban qeyrkaa aduunyada miyad qeyb ka noqon lahayd
Ardayad ka qalin jabisay Midnimo Health Science College Kana baratay Assistant Nursing
marka kobaad Asalamu alaykum waraxmatulah…… magacaygu waa Sacdiyo sheikh Aadan waxan ahay aradayd kamid ah ardayada machadka Midnimo health science college dhigan jirtay riyadayda ugu wayn waa inaa noqdo DRS mar walba waxana ku dadalayaa sidii ay iigu rumoobi lahayd riyadaydas hada waan ahay qayb kamida taqtarad lakin mahi taqtarad buuxda, marka kood Alle SW aya mahad iska leh oo maanta heerkaan isoo gaarsiiyay sidokale walidkayga oo igu tageray inaan barto xirfadan iyo macalimin_tayda ama barayashayda oo isurta galiyay inan heerkaan fiican manta wax badan ka faaido ama barto Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa dhamaan barayashyda Midnimo college run ahaanti halkan kuma soo koobi karo xushmada iyo waxan uhayo by DRS Sacdia✍️
Ardayad ka qalin jabisay Midnimo Health Science College Kana baratay Assistant Nursing
barhaag maamuus
Muune oo karame
Milge iyo ku soor sharaf
Maaran waa inu yahay
Bulshadan u mudan yhy
Micnaheed soo saar
Maamuus qof loo dhigo
Mahad badan lo huro
Aduunyad mugeedan
Qofna lala maseyn karin
Ma ogtahay ardayow
Inuu macalinka yahay
Ma ogtahay dadnimadaa
Taabahaag nololed
Tirsi iyo qofka tahay
Iyo taajka kugu xiran
Tacabkaa qofku huray
inuu ku tilmaamo iyo
tuse tuse macalinka yhy
Ma ogtahay aduunyad
Edabtiyo xishoodka iyo
Anshaxiyo dulqaadka iyo
Ixtiraam qofka nooliyo
Sida aad adigu tahay
Qofka kugu agaasimay
Macalinka inu yahay
Qalinka iyo buugiyo
Qiimah aqoontiyo
Qalinka ku dhigan lahayad
Hadan macalin ku qaban
Qayrka aduunyad miya
Qayb ka noqon lahed